Taliyaha Ciidanka xogga dalka oo kormeer ku maraya xerrooyinkia Ciidanka DFS ee degaanada Galmudug

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka xogga dalka oo kormeer ku maraya xerrooyinkia Ciidanka DFS ee degaanada Galmudug

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage oo kujira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Gal

Gudoonka Waxbarashada Qardho oo Farriin u Diray Dhalinyarada Soomaaliyeed (dhegayso)
Duqa Muqdisho oo daah furay qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad (Sawiro)
Kheyre oo Dhuusamareeb ku wajahan

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage oo kujira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado , isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Xerada General “Kaanti” ee Duleedka Cadaado .

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad , cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay waxaana intaa kadib soo dhoweyn u sameeyay Maamulka Degmada Cadaado oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha C/laahi C/raxmaan Tootoole .

Cadaado ayaa haatan qayb ka ah Xarumaha ugu waaweyn ee Qaybta 21-aad iyadoo fadhiisin u ah Guutada 13-aad Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: