Taliska Maraykanka ee Africom oo beeniyaay inay Caruur iyo Haween ku dileen Bariire

HomeWararka

Taliska Maraykanka ee Africom oo beeniyaay inay Caruur iyo Haween ku dileen Bariire

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika aya markii ugu horreysay wax laga weydiiyay howlgalkooda Soomaaliya,waxaana ay ka warbixinyeen howlgall

Wasiirka haweenka Puntland oo ka hadashay gabar ardayad ah oo Gaalkacyo kufsi logu geystay (Daawo)
Wasiir Fiqi: “Galmudug waxay xaqiijinaysaa Amniga degaanadii lagala wareegay Al-Shabaab”
Caawa & Daljir, Cabdifataax Cumar Geeddi & Doorahashada Madaxweynaha Puntland, Daljir Garoowe (dhegayso)

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika aya markii ugu horreysay wax laga weydiiyay howlgalkooda Soomaaliya,waxaana ay ka warbixinyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa hortagay aqalka wakiillada Mareykanka waxaana wax laga weydiiyay howlgalka Mareykanka ee Afrika.

General Thomas Waldhauser ,ayaa Golaha wakiillada Mareykanka ka hor sheegay in baaritaan ay sameeyeen oo waliba socda aysan ka muuqan in howlgalkoodii Bariirre ee Sanadkii hore aysan ka muuqan in ay Haween iyo Carruur ah ku dhinteen.

General Thomas Waldhauser ayaa yiri “waxaan filayaa in aad ka hadleysaan Bariirre,annada dagaal toos ah kuma gelin Bariirre,wixii ay warbaahinta qorta haddii laga jawaabana waxaa ay noqoneysaa in waqtigaaga oo dhan aad been ku lumiso”.

waxaa kale oo uu sheegay in ay wadaan baritaan arrintaas la xiriira islamarkaana uusan wali soo dhamaan sidaas darteedna warbaahinta kaliya ay ka bad badisay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: