SOOMAALILAND: “Anagu (mabda ‘ahaan) waxaan ku raacsanahay … inaan martigalino qaxootiga Afgaanistaan”

SOOMAALILAND: “Anagu (mabda ‘ahaan) waxaan ku raacsanahay … inaan martigalino qaxootiga Afgaanistaan”

Somaliland ayaa oggolaatay in ay qaabisho qaxootiga ka imanaya Afgaanistaan, sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegay Jimcihii, iyada oo tobanaan kun oo qof ay si aad ah uga qaxayaan waddanka ay dagaalladu halakeeyeen ka dib markii ay Taliban qabsadeen horaantii bishan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa ay wadahadallo la gashay mas’uuliyiinta Mareykanka oo ku saabsan si kumeel gaar ah u martigelinta qaxootiga Afgaanistaan.

“Anagu (mabda ‘ahaan) waxaan ku raacsanahay … inaan martigalino qaxootiga Afgaanistaan muddada kumeelgaarka,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo raaciyay in heshiiska uu weli yahay mid horudhac ah, iyadoo farsamooyinku ay weli shaqeynayaan oo aan la cayimin taariikhda imaanshahooda.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale Uganda kala xaajoonaysay qaabilaadda qaxootiga. Arbacadii, diyaarad u kireysneyd oo siday 51 reer Afgaanistaan ah – oo isugu jira rag, haween iyo carruur – ayaa ka degtay waddanka ku yaal Bariga Afrika, iyadoo la filayo in dad badan oo la daad -gureeyo ay yimaadaan maalmaha soo socda.

Daadgureynta ayaa jawaab u ahayd codsi ka yimid Washington oo ahaa inay si ku meel gaar ah u martigeliso “dadka halista ku jira” muwaadiniinta Afgaanistaan ee ku sii jeedda Mareykanka iyo meelaha kale ee adduunka oo dhan, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibedda Uganda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0