Soomaali lagu xiray dalka Hindiya & dowladda oo billaawday qorsho lagu siideynayo

HomeWararka

Soomaali lagu xiray dalka Hindiya & dowladda oo billaawday qorsho lagu siideynayo

Magaalda Hyderabad ee dalka Hindiya waxaa hawlo shaqo u jooga Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna Ku-simaha Safiirka Mudane

Ururka Map oo Tababar Boosaaso uga furay wariyaal
Maanka Dadwaynaha Iyo Mikroofanka Daljir (dhegayso)
Tartankii Barakacayaasha Gaalkacyo oo soo idlaaday & Koobkii oo xalay u hoyday Kaamka Malyuun

Magaalda Hyderabad ee dalka Hindiya waxaa hawlo shaqo u jooga Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna Ku-simaha Safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Kadib hawlgallo guud oo ay Ciidamadda Booliiska dalka Hindiya sameeyeen kuna qabteen dadka sharci-darrada ku jooga ayaa waxaa lagu xiray dadyoow badan oo aajaanib ah kuna jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan markaas heysan wax sharci ah.

Si arrintaas loogu kuur galo ayuu utagay magaalada Hyderabad isagoo ka Safray magaalada Caasimadda ee New Delhi halkaas oo ay Safaaradda JF. Soomaaliya ku taalo.

Wuxuu kullamo kala duwan la qaatay hay’adaha Amniga gaar ahaan Booliiska waxaana lagu guuleestay in dib xabsiga laga sii daayo muwaadiniin Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa lagu guuleystay in qaar kale oo ay booliiska ka qaateen baasabooradooda inay Safaaradda dib ugu celisay gacanta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib waxaa ay Booliiska fariin u direen guud ahaan gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee aan sharciyadda saxda ah ku joogin in ay shaciga si degdeg ah ku xareystaan hadii ay rabaan inay aii joogaan hadii kalana dalka iskaga baxaan si aysan dhibaato kale ula kulmin.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Hyderabad ayaa iskugu jira kuwa ujooga arrimo Caafimaad iyo Arday wax kabarata halkaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: