Somaliland oo xaqiijisay qofkii labaad ee u geeriyooday Coronavirus

Somaliland oo xaqiijisay qofkii labaad ee u geeriyooday Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah xaqiijisay qofkii labaad inuu u dhintay cudurka Coronavirus.

Qofka dhintay ayaa ahaa nin da’ ah oo ku nool magaalada Hargeysa, kaasoo la sheegay in aanu meelna dalka uga bixin.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ay shaacisay in qofkii u horeeyay uu u dhintay cudurkan.

Tirada dadka uu soo ritay cudurkan ayaa gaareysa 12 qof, waxaana illaa hada ka bogsootay 3 qof.

Illaa 311 qof ayaa laga baaray cudurka Coronavirus, sida ay xaqiijisay wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0