Somaliland oo ku dhawaaqday in abaartii ugu darneyd ay kajirto degaanadeeda

Somaliland oo ku dhawaaqday in abaartii ugu darneyd ay kajirto degaanadeeda

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si qoto dheer uga xog-warramay xaaladda abaareed ee ka jirta Somaliland, waxana uu shaaca ka qaaday inay korortay baaxadda abaarta saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah guddiga gurmadka abaaraha oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in xukuumaddu dedaallo badan gelisay sidii loogu gurman lahaa dadka abaarta ku tabaaloobay, balse ay hawshaasi ka baaxad badatay intii hore, loona baahan yahay isku tashi bulsho.

, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu sharraxay sababaha keenay abaarta baahsan iyo culayska ay ku hayso dadka iyo duunyada miyiga ku dhaqan, waxana uu yiri, “Dalka waxa ka jirta abaar baahsan oo dal iyo dadba saamaysay, taas oo sii adkaatay marka maanta loo eego, iyada oo abaartaas saamaynteedu ka timi labadii xilli-roobaad ee ina dhaafay oo roobku aad u yaraa, maanta saacaddaa aynu joogno oo gu’gii aynu bil ku jirno roobkii aynaan haynin, meelaha uu ka da’ayna ay aad u yar tahay.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay inay xaaladda abaartu werwer badan leedahay, dadka iyo xooluhuna aad usii jilcayaan, saamaynta abaarta ee qiyaasta dadkii gurmadka u baahnaa ay guddidu samaysay Afar Bilood ka hor oo ahayd 810,000 (Siddeed Boqol iyo Toban kun) oo qof ay gaari doonto 1.5 Milyan (Hal milyan iyo bar) qof, una dhiganta 250,000 (Laba boqol iyo Konton kun) oo qoys oo reer Somaliland ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha , waxa uu bulshada reer Somalilnad ugu baaqay inay caawiyaan dadka abaarta ku tabaaloobay, isaga oo hay’adaha caalamiga ahna ugu baaqay inay hoos u eegaan xaaladda abaareed ee kasii daraysa.

Ugu dambayntii, madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu iclaamiyey in maalinta berri ah guud ahaanba dalka Somaliland, laga oogi doono salaad roob-doon ah oo Eebbe lagaga tuugayo in raxmaadkiisa ugu deeqo dadka iyo duunyada abaaraysan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0