Siyaasiga cabdiraxmaan cabdi Shakuur oo soo dhaweyeey Wadahadalka Qoor qoor iyo Xaaf

HomeWararka

Siyaasiga cabdiraxmaan cabdi Shakuur oo soo dhaweyeey Wadahadalka Qoor qoor iyo Xaaf

Siyaasiga cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa soo dhaweeyey heshiiskii laga gaarey khilaafkii ka dhashay doorash

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Warbixinta TARTAN & TACLIIN, Habeenkii 12 aad iyo dugsiyada isku arkay
Wacaal Daray ah: Sacuudiga, Masar, Imaaraatka iyo Baxreen oo Xiriirkii u Jaray Qadar

Siyaasiga cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa soo dhaweeyey heshiiskii laga gaarey khilaafkii ka dhashay doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb ee uu kusoo baxey Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu sheegay in uu xog ku hayo in uu geba-gabo marayo xalka gaarista khilaafka ka dhashay doorashada,isaga oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inays iideyso Muqtaar roobow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoobo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan.

Hoos Ka Akhriso Qoraal uu soo dhigey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Bartiisa Facebook.

Waxaan bogaadinayaa daddaalka uu madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Qoorqoor kula heshiiyey mucaardkiisa. Waxaan xog ku hayaa in heshiiska Madaxweyne Axmad Madoobe iyo mucaaradkiisa heer gebagebo ah marayo. Waxaan dawlada Federaalka ah ugu baaqayaa in ay xabsiga ka sii dayso Mukhtaar Robow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoobo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan.

Waxaan mar kale ku baaqayaa in aan dhamaanteen dadddaal wadajir ah u galno deminta dagaalada sokeeye ee duleedka Kismaayo, Degmada Wanlawayn iyo Diinsoor ka socda. Waa colaado danbiyo dagaal lagu galay, dhaawacayna dadnimadeena iyo magaca ummadnimo ee qarankeena.

Ilaahow quluubta dadkeena isku soo dhoweey, dhiiga qubanayana istaaji, dabaysha Koroonana Fayrisna itaal uma haynee naga badbaadi. Aamiin

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: