Sii hayaha Ra’iisulwasaraha oo la shiray wakiillada Beesha Caalamka.

HomeWararka

Sii hayaha Ra’iisulwasaraha oo la shiray wakiillada Beesha Caalamka.

Sii hayaha Ra’iisulwasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay dowladda federaal

TALEEX: Go’aano laga soo saaray Diyaaradaha Qaadka (daawo)
Warbixin Safarka | Bandiiradley | Caabudwaaq | Dhusamarreeb | oo hawlwadeeno ka tirsan Daljir
WARIXIN: XAAFUUN waa degmada dhibka ugu badan ka soo gaarey Duufaanta Gati (Daawo)

Sii hayaha Ra’iisulwasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiillada beesha Caalamka oo ka dhacay Muqdisho

Shirkaan oo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda

Kulankaan oo u dhaxeyey dowladda Soomaaliya iyo wakiiladda dowladda Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa looga hadlayey amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshadda siyaadda iyo horumarrada laga gaaray.

Sii hayaha wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa warbixin ka siiyay daaladka iyo guulaha ay dowladda Soomaaliyeed ka sameysay arrimaha nidaamka maaliaydda dalka.

“Maanta waxa aan ka qeyb galay shirka Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ee uu shir Gudoominayay sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed . Guleed.

“Waxaan ku faraxsanahay sida safiirada caalamka ee Soomaaliya jooga ay noogu garab taagan yihiin geedi socodka horumarinta dhaqaalaha Dalka.ayuu hadalkiisa ku daray sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: