Shirkii IGAD oo Warmurtiyeed laga soo saaray & Soomaaliya oo xubin muhiim ah laga siinayo ururka

Shirkii IGAD oo Warmurtiyeed laga soo saaray & Soomaaliya oo xubin muhiim ah laga siinayo ururka

Madaxyooyada Soomaaliya ayaa shaacisay qodobadii ugu muhiimsanaa Warmurtiyeedkii laga soo saaray Meertada 14aad ee Shirkii Madaxda Urur Hoboleedka IGAD.

Nuxurka Warmurtiyeedka ayaa waxaa kamid ahaa in Soomaaliya la siiyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD, kaas oo ay soo Magacaabeyso dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Nuxurka Warmurtiyeedka.

1. In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

2. In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.

3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan Al-Shabaab.

4. Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0