Shirkadda Facebook oo tirtirtay qoraal uu bartiisa ku daabacay Abiy Axmed

HomeWararka

Shirkadda Facebook oo tirtirtay qoraal uu bartiisa ku daabacay Abiy Axmed

Shirkadda Facebook ayaa ka saartay qoraal ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaddib markii uu ku xad-gudbay siyaasadda ka dhanka ah hurinta rab

Somaaliya oo horumar weyn ka gaadhay Ganacsiga|Taxanaha Q 13-aad (Daawo)
CODKEEDA AYAY KU CIIL BAXDAY, SAWIRKA MAANTA
Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim

Shirkadda Facebook ayaa ka saartay qoraal ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaddib markii uu ku xad-gudbay siyaasadda ka dhanka ah hurinta rabshadaha.

Axadii, Abiy Axmed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay hubka qaataan si ay uga hortagaan jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Ciidamada TPFL ayaa dagaal socday muddo sanad ah kula jiray ciidamada dowladda, iyagoo maalmihii la soo dhaafay qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Facebook ayaa lagu dhaleeceeyay in uu ku guul daraystay in uu wax badan ka qabto sidii loo joojin lahaa bartiisa in lagu huriyo rabshadaha.

Farriintan Mr Abiy wuxuu ku sheegay in fallaagadu dalka ku riixayso inuu burburo,” wuxuuna ku boorriyay muwaadiniinta inay “abaabulaan oo ay maraan qaab kasta oo sharci ah oo leh hub iyo awood kasta oo lagula dagaalami karo argagixisada TPLF”.

Af-hayeen u hadlay Facebook, oo shirkadiisu ay dhawaan magacawday Meta ayaa yiri, “Waxaa nalagu wargeliyay qoraal uu qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana meesha ka saarnay tan markii aan aragnay in ay ku xadgudubtay siyaasaddeenna ka dhanka ah kicinta iyo taageeridda rabshadaha”

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0