Shirka isku xirka Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo furmay

HomeWararka

Shirka isku xirka Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo furmay

Dar-dargelinta howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,dadaalada aqoonsiga caalamiga ah loogu raadinayo baasaborka Soomaaliga iyo xoojinta wadashaq

Kulan Garoowe oo Odorasaya Doorashada Soomaaliya ee 2020
DHILAALO: Deegaan taariikh fog leh kuna caan ah Ceelasha Laasaha iyo Xoola daaqeeenka (Waraysi)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Dar-dargelinta howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,dadaalada aqoonsiga caalamiga ah loogu raadinayo baasaborka Soomaaliga iyo xoojinta wadashaqeynta laamaha Hay’adda ayaa kamid ah waxyaabha looga hadlayay shirka 3-billaha aha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya kaasoo furitaankiisa ay kasoo qeybgaleen Wasir ku xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Amniga Xukuumada Federaalka ah,Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,bulshada rayidka ah iyo xafiisyada dambi baarista Booliska iyo Xeer-ilaalinta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Kornel Maxamed Aadan Jimcaale (koofi) ayaa isbadalka iyo hormarka ay hay’adda sameyenyso ka sokow shirka ka sheegay in aqoonsiga baasaborka Soomaaliga uu heer wanaagsan marayo dalal Yurub ka tirsan ay aqoonsadeen kuwa kalana ay hada ku howlan yihiin Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru-Dowlaha Amniga Gudaha XFS mudane Cabdinaasir Saciid Muuse iyo mudane Maxamuud Maxamed Boonow ayaa dhankooda balanqaaday inay ka shaqeynayaan sidii Xukuumada loogu gudbin lahaa sharciyada muhimka u ah howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo wax ka qabashada caqabadaha heysta shaqaalaha Hay’adda

Mas’uuliyiinta kale ee shirka ka hadlay islamarkaana aragtidooda ku biiriyay dardaragalinta Howlaha Hay’da Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa kamid ah xubno kaoscday Bulshada rayidka ,laanta dambi barista Booliska Soomaaliyeed Iyo xeer-ilaalinta qaranka waxaana shirkan uu qeyb ka yahay kulamada lagu diyaariyo laguna qiimeeyo qorshayaasha lagu hormarinayo howlaha iyo adegyada ay buskhada u heyso Hay’adda Socdaalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: