Shirka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DF Iyo Dowlad Goboleedyada oo Ka furmay Muqdisho.

HomeWararka

Shirka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DF Iyo Dowlad Goboleedyada oo Ka furmay Muqdisho.

Shirka Agaasimayaasha Guud ee Wasaraadaha Arrimaha Dastuurka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkaan oo

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)
Somaliland oo si adag uga hadashay go’aanki Barlamaanka DFS ku Mamnuucen DP World (dhegaysso)

Shirka Agaasimayaasha Guud ee Wasaraadaha Arrimaha Dastuurka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkaan oo socon doona muddo saddex maalin ah waxay u jeedadiisu tahay sidii loo sii dhaqaajin lahaa howlihii ka qabsoomay arrimaha farsmada ee dib u eegista dastuurka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa kaydinta howlaha mugga iyo baaxadda leh ee laga qabtay dib-u-eegista dastuurka maadaama agaasimayaasha guud ay yhiin laf dhabarka hay’adaha.

Sidoo kale, shirka inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa nuqulka ugu dambeeya ee dib-u-eegista dastuurka, halka ay marayaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed, warbixinta ka sii ambaqaadka shaqada laga soo qabtay dastuurka muddo xileedka baarlamaanka 10’aad iyo u diyaargarowga iyo falanqaynta shirka lagu soo bandhigi doono casharada laga bartay intii ay socotay dib-u-eegista dastuurka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Maxamed Abuukar Zubayr, waxaana ka qayb galaya agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo lataliyaasha, agaasime waaxeedyada iyo howl wadeenada wasaaraddaha Dastuurka heer federal iyo Heer dowlad goboleed.

Agaasime Zubayr oo shirka furay ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanyahay wada shaqayn iyo is xogwaraysi dheeraad ah oo ka dhexeeya agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Dastuurka si loo ambaqaado howlaha dib-u-eegista dastuurka maadaama agaasimayaasha guud ay yihiin lafdhabarka hay’adaha dastuurka islamarkaana ay yartahay in ay isbedelaan marka loo eego wasiirada.

“waa muhiim in aan dib loogu laaban howshii mugga lahayd ee laga soo qabtay dib-u-eegista dastuurka, juhdigii iyo waqtigii galay si uusan u noqon hal bacaad lagu lisay, waa in aan ka shaqynaa sidoo loo sii ambaqaadi lahaa arrimaha laga qabtay dib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri agaasime Zubayr.

Sidoo kale, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dastuurka Koonfur galbeed, Galmudug iyo wakiilka Hrshabelle ayaa kalmado ka jediyay kulanka waxayna soo dhoweeyeen kulanka nuucaan oo kale ah iyagoo sheegay in ay xoojinayso xiriirka wada shaqayn ee u dhexeeya wasaaradaha dastuurka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: