Shir looga hadlayo Nabada Bariga Dhexe oo maanta ka furmaya dalka Masar

HomeWararka

Shir looga hadlayo Nabada Bariga Dhexe oo maanta ka furmaya dalka Masar

Waxaa Caasimadda Cusub ee Maamulka dalka Masar maanta oo Sabti ah ka furmi doona Shirweynaha Nabadda Qaahira ee uu Madaxweyne Elsisi gogosheeda dhigo,

Mareykanka oo ka carooday tallaabo uu qaaday Sacuudiga
XULASHADA DALJIR | AYAANLE CABDULAAHI JAAMAC | CAABUDWAAQ
Madaxweyne Gaas ma ka dhabeyn doonaa in “Puntland kuwii aqoonta lahaa ka soo tageen … qofkii baxsan karay soo baxsaday … oo ay isugu hareen intii aan aqoonta lahayn.”

Waxaa Caasimadda Cusub ee Maamulka dalka Masar maanta oo Sabti ah ka furmi doona Shirweynaha Nabadda Qaahira ee uu Madaxweyne Elsisi gogosheeda dhigo, si Xal Caalami ah loogu helo Xaalladda Cakiran ee magaalladda Qasa ee la go’doomiyey, weli ay ku hoobanayaan Duqeymo aad loogu riiqmay.

Madaxweynaha Masar ayaa ku baaqay Shirka maanta furmayo, kadib, markii ay Golaha Amniga Qaranka Masar yeesheen Kulan Khaas ah oo ay kaga hadleen Dagaalka Marinka Qasa iyo dhibaatadda iyo Barakaca baahsan ee lagu hayo dadka Falastiiniyiinta.

Shirweynaha Nabadda ee Qaahira waxaa ka qeyb geli doona Wafuud ka kala socda 31 dal, 3 Ururo Caalami ah iyo Xoghayaha Guud ee Qamada midoomay .

Dalalka la xaqiijiyey inay ka qeyb galayaan Shirkaasi waxaa ka mid ah: Qatar, Iran, Greece, Palestine, the UAE, Bahrain, Saudi Arabia, Kuwait, Iraq, Italy, Britain, Spain, Cyprus, Turkey, Israel, Brazil, China, America, Morocco, South Africa, Norway, Russia iyo Golaha Europe (The European Council).

Si kastaba, Dagaalka u dhexeeya Xarakada Islaamiga ee XAMAAS iyo Ciiddanka Israel oo maanta galay maalintii 14-aad waxaa ku shahiiday in ka badan 4,137 Falastiini, halka 13,000 kalena ku dhaawacmeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: