Shir looga hadlayeey Amniga oo Baladweyne ka furmay

HomeWararka

Shir looga hadlayeey Amniga oo Baladweyne ka furmay

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabgeed ayaa Maanta Shir Guddoomiyay kulan looga hadlayay Amaanka degaannada

Madaxweynaha Puntland oo mataxtooyada ku qaabilay C/raxmaan C/shakuur (daawo)
MAANHADAL: Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka & qodobadii ka soo baxay (dhegayso)
Beeraha & Beeraleyda Puntland: Sookabashada Beeraha iyo Dalagyada Beeraleyda Puntland (dhegayso)

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabgeed ayaa Maanta Shir Guddoomiyay kulan looga hadlayay Amaanka degaannada Hir-Shabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada baladweyne.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 27aad kuwa Amisom ee ka socdo dalalka jabuuti iyo Itoobiya, iyada oo kulanka siweyn loogu falan qeeyay Amniga guud ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ayaa Warbixino la xiriira amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyaga oo sheegay in Amniga uu yahay mid wanaagsan.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabgeed ayaa ugu baaqay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga degaannada Gobolka Hiiraan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: