HomeUncategorized

Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo Gacanta isula tagay

Sabti ,12,Sept,2015,(Daljir)_Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta isku faro saaray Kalfadhigii Golaha oo Xildhibaanada Muxaafadku soo gudbiyeen mooshin lagu Taageerayo Heshiishka Xukuumaddu la galayso Shirkaddo gaar ah oo ay ku Wareejinayso Haamaha Keydka Berbera.

Baahin: Axad, Sept 18, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Wafti ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo tafaasiil ka bixiyey safar halweed ay ku yimaadeen Puntland; Mashruuc byo & faya-dhawr isugu jira, soconna doona 4 sano oo ka bilawday Puntland; Juxa, wasiirka waxbarashda ee Puntland oo soo bandhigay deeqo waxbarasho oo ay ku deeqday dawlada Turkey.
DHAGEYSO: M/weyne Xassan Sheekh oo ka hadlay Arrimo muhiim u ah Dalka Soomaaliya
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Jimco_11

Sabti ,12,Sept,2015,(Daljir)_Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta isku faro saaray Kalfadhigii Golaha oo Xildhibaanada Muxaafadku soo gudbiyeen mooshin lagu Taageerayo Heshiishka Xukuumaddu la galayso Shirkaddo gaar ah oo ay ku Wareejinayso Haamaha Keydka Berbera.

Fadhigii maanta waxaa Shir-gudoominayey, C/raxmaan Cirro oo ay hareerihiisa Fadhiyaan labadiisa ku xigeen, ayaa halkaasi ka soo jeediyey mooshin ay xildhibaanadda muxaafadku soo gudbiyeen oo ay ku saxeexan yihiin 38 xildhibaan, waxaanu golaha u sheegay in xeer hoosaadka goluhu dhigayo in mooshinnada noocan ah lagaga doodo kalfadhiga dambe golaha wakiilladda, sidaasna fadhiga maantu ku xidhan yahay.

Balse, Guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa makarafoonka ku qabsaday Guddoomiye Cirro,  ka dib markii uu ka biyo diiday xadhitaanka fadhiga, isla markaana doonayey in mooshinka la guddo gallo, taasina waxay keentay in Makarofoonka isku qabsadaan labadan masuul.

“Guddoomiye xigeenku waa inuu ixtiraamo golaha wakiillada iyo Xeer-hoosaadka Golaha. Haddii Golaha Wakiilladu yeesho laba Guddoomiye, Dalkuna Wuxuu yeelan doonaa laba Madaxweyne.”ayuu yidhi Guddoomiye C/raxmaan Cirro oo ka cadhaysan codbaahiyaha uu ku xigeenkiisa ku qaysto.

“Guddoomiye hadaad kacayso iyo hadaad fadhiyayso adagi ayay ku jirtaa Golahuna waa uu Fadhiyayaa,Waana La codaynayaa,Xildhibaanada Kulmiye aniga ayaa Guddoomiye u ah,Mana kici karaan”ayuu yidhi Baashe oo u jawaabayey Cirro.

Ka dibna Guddoomiye Cirro ayaa feedh la tiigsaday Guddoomiye ku xigeenkiisa, Baashe Maxamed halkaasi waxa ka dhashay buuq, waxaana guddoomiye Cirro sheegay in fadhigu xidhan yahay.

Intaasi kadib markii la kala furfuray labada guddoomiye ayaa guddoomiye Cirro ka baxay golaha inta uu makarafoonka ka sheegay inuu goluhu xidhan yahay.

Intaas kadibna xildhibaanadii u kala jabay muxaafad iyo mucaarad, inkastoo xildhibaanada muxaafadku doonayn in golaha la xidhin, haseyeeshee markii shirgudoonku is faro saary ayaa lagu kala dareeray.

Xildhibaanada Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan xisbiga muxaafadka ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in lakala Diro shirguddoonka kuwaas oo ku macneeyay in Ay fadhigii Golaha rabsheen oo ay isku gacan saareen,halka xildhibaan Ibraahin Mahdi buubaa oo xisbiga mucaaradka ka tirsan isna sheegay in wiixii ka dhacay golaha ay ka dambayso madaxtooyaddu.

Xigasho.Barkhad Ladif Cumar ,HOL

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: