Shiinaha “Xorriyadda Taiwan waxay ka dhigan tahay dagaal”

HomeWararka

Shiinaha “Xorriyadda Taiwan waxay ka dhigan tahay dagaal”

Milatariga Shiinaha ayaa sheegay Khamiistii in madaxbanaanida maamulka Taiwan ee hoostaga dowladda Shiinaha ay ka dhigantahay dagaal. Afhayeenka Wa

Sucuudiga iyo Iiraan Oo Soo Celinaya Xiriirkoodii Diblumaasiyadeed
Xildhibaano kamid ahaa Wafdigii Wasiir Jamaal oo Xingalool booqday (Sawirro)
Wasiirka Cayaaraha Dowladda Somaaliya oo daahfurtay Mashruuca cayaaraha iyo tayeeynta

Milatariga Shiinaha ayaa sheegay Khamiistii in madaxbanaanida maamulka Taiwan ee hoostaga dowladda Shiinaha ay ka dhigantahay dagaal.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Shiinaha Wu Qian ayaa saxaafadda u sheegay in Taiwan ay kamid tahay dhulka Shiinaha, islamarkaasna ay difaaci doonaan militiriga Shiinaha.

Wuxuuna difaacay howlagalada dhanka cirka ah ee ciidamada Cirka ee Shiinaha ka wadaan hawada Taiwan, isagoona sheegay in aysan u dulqaadan doonin dadka hawada maamulkaasi ku xad gudbaya.

Dhaqdhaqaaqa militariga “waa lagama maarmaan in wax laga qabto xaaladda amniga ee hadda jirta Badweynta Taiwan iyo ilaalinta qaranimada, ”ayuu yiri afhayeenku.

Beijing waxay u aragtaa Taiwan gobol ka go’ay oo mar uun dib ula midoobi doono Shiinaha, jasiiradda dimuqraadiga ah ayaa hadda leh dowlad u gaar ah, taasi oo aas-aasantay sannadkii 1949.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: