Sheekh shariif oo ka hadlay shirka dhuusamareeb

Sheekh shariif oo ka hadlay shirka dhuusamareeb

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isaga oo Eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in madaxda Dowladda qorshaha ugu jirin inay qabtaan doorasho sidoo kalena aysan daacad ka aheyn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in dalkaan laga keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna oggolaan karin in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba, isaga oo ka digay dhibaato uu sheegay inay nu muuqato oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa uga digay guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada waa sida uu hadalka u dhigay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0