HomeUncategorized

Sh. Yaasiin Cali Saylaan oo ah maamulaha hotelka Saylaan ee Galkacyo oo caawa ka badbaaday isku day dil, inkastoo dhaawac fududi soo gaaray.

Caption ...

DHEGEYSO-RW Cumar Cabdirashiid oo rajo ka muujiyeyin doorashadu kudhacdo xilligeeda.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Laki Man.
Waftiga dawladda Puntland ee ku sugan Galkacyo oo kulan la yeeshay madaxda hay?adaha samafalka. [Akhris …]

Galkacyo, Aug 25 – Maamulaha hotelka Saylaan ee magaalada Galkacyo Sh. Yaasiin Cali Saylaan ayaa caawa fiidkii ka badbaaday iskuday dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo inkastoo dhaawacyo fududi ay soo gaareen.

Labo nin oo dhallinyaro ah kuna hubaysanaa baskoolado ayaa rasaas ku bilaabay maamulaha xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo meesha lagu dhaawacay ka ag-dhawaa wakhtigii afurka.

Rasaasta raggaasi hubaysani ay la beegsadeen maamulka ayaa gaarsiiyey dhaawacyo fudud, isagoo xaaladdiisa caafimaadna xilligaani ay tahay mid wanaagsan.
Raggii falkaasi gaystay ayaa isla markiiba baxsaday, mana jirto cid si rasmi ah u aqoonsaday dhagar-qabayaashii falkaasi gaystay iyo jihada ay ka yimaadeen toona.

Dhinaca kale habeennimadii xalay ahayd waxaa sidaan oo kale iskuday dil ka badbaaday Suldaan Cabdisaan Hurre, oo ka mid ah salaadiinta dhaqan ee gobolka Mudug, kaddib markii bambo-gacmeed lagu tuuray guriga uu ka deggan yahay magaalada Galkacyo taasoo aan gaysan wax khasaaro nafteed, inkastoo ay jabisay qaybo ka mid ah darbigii guriga ee ay haleeshay.

Muddo dheer magaalada Galkacyo waxay daris la noqotay dilal qorshaysan oo aan dhammaad lahayn kuwaasi oo lagu mariyey indheer-garad badan oo gobolka ka soo jeeday, walina ma muuqdo xal arrintaasi looga gudbayo.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 1