HomeUncategorized

(Sawirro),Kooxda Comsed oo iska xaadirisay Finalka koobka tayaynta kooxaha heerka 1-aad ee gobolka Mudug.

Gaalkacyo, Feb 02- Kooxda kubadda cagta ee gobolka Mudug uuna mulkiilaha ka yahay Dr, C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhaga-cadde) ayaa u soo baxday ciyaarta kama danbaystaa ee loogu jiro tartanka tayaynta kooxaha heerka 1-aad ee Mudug, kaasoo muddo bil ku dhaw ka soconayay garoonka Cawaale, ka gadaal markii shalay galab rigoo-rigoore ay ku reebtay kooxda difaacanaysa horyaalka ee RPS.

Reer Buuhoodle oo Dibadbax ku taageeray M/weynaha Cusub ee Somalia (Sawiro).
DHEGEYSO-Khilaafka u dhexeeya gudoonka barlamaanka Galmudug oo sii kordhay.
Al-shabaab oo Muqdisho ku toogtay 2 nin, kuna eedeeyey basaasnimo. [Dhegaysi …]

Gaalkacyo, Feb 02- Kooxda kubadda cagta ee gobolka Mudug uuna mulkiilaha ka yahay Dr, C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhaga-cadde) ayaa u soo baxday ciyaarta kama danbaystaa ee loogu jiro tartanka tayaynta kooxaha heerka 1-aad ee Mudug, kaasoo muddo bil ku dhaw ka soconayay garoonka Cawaale, ka gadaal markii shalay galab rigoo-rigoore ay ku reebtay kooxda difaacanaysa horyaalka ee RPS.


Ciyaartii shalay ayaa ahayd mid kulul waxaana waqtigii loogu tala galay lagu kala baxay 2-2, iyadoo labada jeerba goolka ay la hormartay kooxda RPS.


Macalinka kooxda Comsed oo ah rug cadaa ciyaaraha kubadda cagta ayaa ciyaaray khiddad ku dhisan weerar waxaana taasi ay keentay in ay wax ka yar 5 daqiiqo la yimaadaan gool bar-barraa.


Sida caadada ahaydba lug ku laadkii ayaa loo dhigay labada kooxood waxaana halkaasi guusha ay ku raacday kooxda Comsed.


Comsed ayaa sugaysa mid ka mida kooxaha Telcom iyo Yamays oo galabta wada ciyaari doona.


Diiwaanka Wararka daljir
Qaybta Ciyaaraha
(S)


Daawo Sawirada.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"


?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: