HomeUncategorized

Sawirro-Musharax Madaxweyne Farmaajo Oo La Gudoonsiiyey Shahaadada Musharaxnimo.

Muqdisho, January, 2017 –Musharax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad kursiga madaxtinimo ee dalka ayaa maantay guddiga doorashada ka guddoomay shihaadadii tartanka kaddib, markii uu buuxiyay sharuudihii looga baahnaa.

Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya oo Booqanaya RiftVally
Madaxweynaha Soomaaliya oo nabad ku baaqay si dalka looga hirgeliyo mashaariic caalami ah (MAQAL)
DHEGEYSO-Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo digniin u diray Soomaaliland.

Muqdisho, January, 2017 –Musharax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad kursiga madaxtinimo ee dalka ayaa maantay guddiga doorashada ka guddoomay shihaadadii tartanka kaddib, markii uu buuxiyay sharuudihii looga baahnaa.

Musharax Farmaajo oo horay dalka uga soo noqday R/wasaare ayaa xilkaan u tartamaya markii 2aad, waxaana dadka odorosa siyaasadda Soomaaliya, lana socda arrimaha doorashada ay ku tilmaamayaan in uu yahay musharax  haysta fursad iyo taageero badan oo ka imaanaysa dhanka shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya.

Md. Maxamed Cabdullaahi waxaa uu musahraxiinta kale uga duwan yahay astaamo gaar ah oo fursad wayn u noqon-kara tartanka kursiga Madaxwaynaha Soomaaliya.  Waxaa si gaar ah loogu hanwayn-yahay arrimaha uu wax ka qaban-karo ammaanka, dhismaha ciidamada qalabka sida, taabagalinta dowladnimo taam ah oo lagu midaysan-yahay.

SAWIRRO

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

 Xafiiska Warfaafinta

Ololaha Farmaajo

Muqdisho – Somalia

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: