Saraakisha Kenya oo Amrlay in jawaab laga bixiyo Weraar laga geeystay Libooyo

HomeWararka

Saraakisha Kenya oo Amrlay in jawaab laga bixiyo Weraar laga geeystay Libooyo

Ciidamada Militariga iyo Booliska Kenya, ayaa weli waxay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Gaarisa, kadib markii shalay Ciidanka Kenya gaar ahaan

Saaka & Dunida iyo Jaamac cRaxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Asma Shiikh Axmed – Q2aad: “Dulmiga Dahsoon” iyo sidii rag caddaan ahi ay dalka gudihiisa iiga afduubteen si xubnaha jirka la iigala baxo (dhegayso)
Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray xarunta keydka shidaalka ugu wayn Puntland (daawo)

Ciidamada Militariga iyo Booliska Kenya, ayaa weli waxay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Gaarisa, kadib markii shalay Ciidanka Kenya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee GSU qarax Miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Magaalada Gaarisa iyo Degaanka Libooyo.

Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay Tuulada Harar oo u dhaw soohdinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay Shan sarkaal, halka Saddex kalena ay ku jiraan xaalad halis ah, kuwaasi oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka la dagaallanka Argagixisada Kenya.

Ciidanka ammaanka Kenya ayaa waxa ay baadigoob ugu jiraan raggii shalay weerarka geystay ee ka tirsanaa ururka Al-shabaab, waxayna Hay’adaha ammaanka amreen in jawaab deg deg ah laga bixiyo weerarkii lagu dilay saraakiisha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: