Safiirka Sooomaaliya ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka

HomeWararka

Safiirka Sooomaaliya ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiimaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xafladda furitaanka shirka 11-aad ee Madasha

Munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Puntland oo Gaalkacyo lagu qabtay
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Cabdinaasir Jeekey (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiimaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xafladda furitaanka shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka (WPF) oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Xasilinta Adduunka aan xasilloonayn, iyadoo loo marayo is-afgarad iyo iskaashi.

Shirkan oo uu furay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha Han Zheng ayaa jeediyay Khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo muhiimadda ay leedahay is afgaradka iyo iskaashiga si loo sameeyo nidaam nidaam caalami ah oo xasilloon.

Shirkan oo leh muhiimad weyn ayaa soo jeedday indhaha caalamka tan iyo markii la aas-aasay 2012, Madasha Nabadda Adduunka (WPF), oo loo aqoonsan yahay Shiinaha ee heerka sare ee madasha amniga caalamaiga ah ee aan Dowliga ahayn, waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha.

Iyada oo la eegayo caqabadaha caalamiga ah iyo isbeddellada socda ee caalamiga ah, WPF waxa ay ujeeddadeedu ahayd in ay kobciso wadahadal iyo in la dhiso kalsooni dhinacyada kala duwan, si wax looga qabto hubantila’aanta ka jirta dunida.

Madashan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socda waddamo kala duwan, hay’ado caalami ah, iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa sidoo kale, goobta waxaa lagu soo bandhigay madashu falanqeyn doodo iyo aragtiyo wax ku ool ah oo la is dhaafsaday.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa u mahadceliyey Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha martigelinta Xafladda furitaanka Madasha Nabadda Adduunka ee 11-aad. Munaasabadda ayaa muujisay inay tahay madal qiimo leh oo lagu kobcinayo iskaashiga iyo isfahamka caalamiga ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: