Safiirka Shiinaha ee Somaaliya oo socdaal dhulka ku maray degaano gobalka Nugaal (sawirro)

HomeWararka

Safiirka Shiinaha ee Somaaliya oo socdaal dhulka ku maray degaano gobalka Nugaal (sawirro)

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr.Qin Jian ayaa socdaalkii u horreeyay isagoo gaadiid adeegsanaya ku tagay deegaannada Dangorayo, Qarxis iyo

Sidee Madaxweyne farmaajo lagu soo dhaweyeey dhuusamareeb.(Daawo)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (daawo)
Deeq lacageed oo la gaarsiyaay Hooyo Cabudwaaq ku xanuunsan (dhegayso/Sawiro)

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr.Qin Jian ayaa socdaalkii u horreeyay isagoo gaadiid adeegsanaya ku tagay deegaannada Dangorayo, Qarxis iyo Eyl ee gobolka Nugaal.

Wasiiro ka tirsan Puntland iyo mas’uuliyiinta shirkadda Shiinah CCECC iyo safiirka Shiinaha ayaa booqday waddada Garoowe iyo Boosaaso, halkaas oo ay dhowaan shirkadda Shiineyska ah dhismaha ka bilaabo doonto, kaddib burbur baaxad leh oo waddada soo gaaray.

Wafdiga waxaa kalo uu tagay Qarxis, Dangorayo iyo Eyl, waxaana ay kormeereen halka uu yaallo qalabka lagu dhisayo waddada xiriirinaysa Dangoranyo iyo Eyl, marka ay gaareen Eyl ayaa sidoo kale wafdi uu tagay halka laga dhisayo marsadda kalluumaysi ee degmada Eyl.

Mr. Qin Jian waa socdaalkiisi ugu horeyeey uu safar dhulka ah uu ku tago degaanada Puntland siiba gobalka Nugaal oo uu Maanta booqday degaanadaas ka tirsan gobalka Nugaal ee Dowladda Puntland.

Diwaanka
Wararka daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: