Saciid Deni oo Magacaabay Guddi kasoo talabixiya Amniga Garowe

HomeWararka

Saciid Deni oo Magacaabay Guddi kasoo talabixiya Amniga Garowe

Madaxweynaha Dowlag Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddi u magacaabay dardargelinta iyo ka soo talabixinta Amniga magaalooyin

Warka Fiidnimo iyo Zubayr Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Kaameradaha oo Qabtay Madaxweyne Gaas oo Gudanaya Waajibaadka Xajka (Video)
Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxey (DDS) (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlag Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddi u magacaabay dardargelinta iyo ka soo talabixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan kan Caasimadda.

Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ay kala yihiin

Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye)

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin)

Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin)

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan laamaha Amniga iyo Hay’adda kala duwan ee Dowladda inay guddiga kala shaqeeyaan howsha loo xil saaray, una fududeeyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda.

Guddiga ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo, sidii loo joojin lahaa mukhaadaraadka iyo loona sii horumarin lahaa qosheyaasha amni ee dowliga ah.

Magacaabista guddigan ayaa ku soo beegantay xilli madaxweynaha Puntland uu ka amababaxay dalka isagoo safar dibadda ah u baqoolay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: