Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Zidane iyo Mbappe & Chelsea iyo Candreva

Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Zidane iyo Mbappe & Chelsea iyo Candreva

Zinedine Zidane, tababaraha kooxda Real Madrid, ayaa wax laga waydiiyay haddii uu maamulka kooxdiisa ka dalbaday in loo soo iibiyo Kylian Mbappe si uu baddal ugu noqdo Alvaro Morata oo dhawaan ku biiray kooxda Chelsea.

Dhanka kooxda Chelsea, waxa ay diyaarisay dalab gaaraya 18 million Euros oo ay ku doonayso ciyaaryahanka kooxda Inter Milan, Antonio Candreva. Tabaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa wuxuu si wanaagsan u aaminsan yahay in la soo wareegitaanka Antonio Candreva uu yahay mid si weyn ugu haboon safka kooxda.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0