HomeUncategorized

R/Wasaare xukuumadda faderaalka Soomaaliya oo beeniyay in gumaysi la galinayo Soomaaliya.

Caption ...

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Khadar Cawl.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Cumar Laki Man.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Tallman.

Nairobi,Feb 4 -R/wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ka hadlay shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo dowladda Ingiriisku qabanayso bishaan gudaheed iyo wararka sheegaya Soomaliya in la galinayo maxmiyad cusub.

Dr Cabdiwali oo waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu ugu horayntii ka hadlay shirka bishan gabagabadiisa lagu qaban doono dalka Ingiriiska oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowladda faderaalka,maamulada dalka iyo madax kasocota beesha caalamka.

Waxaa uu sheegay magaalada Nairobi inuu kula kulmay wasiirka arimaha dibadda dalka Ingiriiska William Hague,ayna ka wada hadleen shirka lagu gorfayn doono arimaha Soomaaliya ee lagu qaban doono dalka Ingiriiska.

“Ingiriisku waxaad moodaa inay muhiimad gaar ah siinayso arimaha Soomaaliya waa yadan dambe,waxaan ka la hadlay shirka wadanka Ingiriiska lagu qaban doono iyo sidii Ingiriisku horseed uga noqon lahayd dib u soo celinta nabadgalayda dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’isal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali.

Ra’isal wasaaraha ayaa dhanka kale beeniyay warqad dhawaan soo baxday oo sheegaysa in dowladda Talyaaniga ay maxmiyad galinayso dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay r/wasaaraha inay is arkeen wasiirada gaashaandhiga, arimaha gudaha iyo ra’isal wasaaraha dalka Talyaaniga ayna u cadeeyeen inaysan waxba ka jirin warqada la sheegay dowlada Talyaaniga inay soo saartay ee maxmiyadda lagu galin doono dalka Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: