RW Xamse oo lagu soo dhaweyeey Kismaayo

HomeWararka

RW Xamse oo lagu soo dhaweyeey Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo,

Casha Luulka Geeska Afrika waa Degmada Caluula: Sal Ilbaxnimo & Taariikh Fog (sawirro)
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ku dilay 60 katirsan maleeshiyaadka Al Shabaab
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee DFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Al-Shabaab, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: