RW Xamse oo ku baqay in hormuud loo noqdo ka qayb qaadashada gurmadka

RW Xamse oo ku baqay in hormuud loo noqdo ka qayb qaadashada gurmadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla Xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso ciribtirka Khawaarijta iyo la wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS dhammaadka sanadka danbe.

Qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Magaalada Kismaayo ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, ciribtirka Al-Shabaab, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0