RW Xamse oo boqday cisbitaalada kismaayo

HomeWararka

RW Xamse oo boqday cisbitaalada kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Wafddi ka socda Qaramada Midoobey oo gaaray Dhuusamareeb
Weeraro rasaas iyo qaraxyo oo saakay lagu qaaday xarun ku taala Gaalkacyo
Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ee Soomaaliya oo ka hadlay heshiiskii Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: