RW Xamse oo Amar siiyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir

HomeWararka

RW Xamse oo Amar siiyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta booqday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo kormeeray Xafiisyada kala du

IMF oo shaacisay sida Afrika uga soo kaban karto saameynta Covid-19
Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
RW Xamse oo xariga ka jaray Xarunta Kaydka Daawada Soomaaliya oo dib loo furay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta booqday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo kormeeray Xafiisyada kala duwan ee uu ku Shaqeeyo Maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu u kulan gaar ah la yeeshay Guddoonka sare ee maamulka Gobolka Banaaidr.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu kula dardaarmay Guddoonka Sare ee Gobolka Banaadir inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada kunool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waa booqashadii ugu horreysay ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku tago Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir tan iyo markii la Magacaabay, waana mid uu ku xoojinayo wadashaqeynta Xukuumadda & Maamulka Gobolka Banaadir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: