HomeUncategorized

RW Somalia oo Cadaado soo Gaaray

Somalia, November 27, 2015-(Daljir)_a’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta mamulka Galmudug ee Cadaado.

DHEGEYSO-Barlamaanka Soomaaliya oo kahoryimi go’aan xukuumaddu gaadhey.
Inta badan suuqii degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo caawa gubtay.
“Madbacadda Suudaan ee daabacaysaana waxba kama duwana makiinadaha lacagta daabaca …sheegay Puntland” Dalmar …
Somalia, November 27, 2015-(Daljir)_a’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta mamulka Galmudug ee Cadaado.
 
Safarka wasiirka koowaad ee dalka ayaa salka ku haya arrimo ku saabsan shirarkii wadatashiga doorashada Soomaaliya iyo xiisada ka aloosan magalada Gaalkacyo oo Galmudug iyo Puntland u dhaxaysa.
 
Mudane Sharmarke ayaa markuu soo afjaro kulamada uu Cadaado ka wado waxa uu kusoo wajahan yahay magalo madaxda Puntland ee Garowe halkaasoo madaxdu ugu diyaarsan yihiin garoonka diyaaradaha Garowe.
 
Warar hordhac ah ayaa sheegaya Sharmarke iyo madaxwayne Gaas inay ka wada hadli doonaan doorashada 2016 iyo aragtida shacabka Puntland laga aruuriyay oo u dhaxaysa in doorashada hab deegaan lagu saleeyo sidoo kale waxaa lagu wadaa in madaxdani ka wada hadleen sidii xal muuqda looga gaari lahaa xiisada Gaalkacyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: