RW khayre oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway (Daawo)

HomeWararka

RW khayre oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay danjirayaasha Waddamada, Sweden iy

Taliyihii hore Nabadsugida G/Banaadir oo laga saaray xubinnimadii Hey’adda NISA
Raysal Wasaarihii dalka Ukrain oo is-casilay
Garaad Cabdullaahi C C, “Waa In Shuruud La’aan Lagu Joojiyaa Dagaal Beeleedyada” (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay danjirayaasha Waddamada, Sweden iyo Norway u jooga Soomaaliya, Von Uexkull Andreas iyo Rognlie Elin Bergith.

Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa Safiirrada kala haday xoojinta xariirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, in Dowladaha Sweden iyo Norway ay ka caawiyaan dedaallada cafinta deymaha, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Danjirayaasha, Sweden iyo Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre, in Dowladahoodu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorshaha dib u soo kabahasha ee lagu xusay tubaha Qaranka.

Waxayna dhanka kale ammaaneen Safiirrada dib u habaynta ballaaran ee ay Dowladdu ku wado hannaanka Dowlad wanaagga, dhismaha hay’adaha Dowladda, dhaqaalaha iyo Ciidanka.

Halkan kadaawo Kulanka

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: