RW khayre oo digniin u diray Ganacsatada Somaliyeed

HomeWararka

RW khayre oo digniin u diray Ganacsatada Somaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyay Shirka Qaran ee ka hortagga Cudurka COVID 19. K

Dowladaha caalamka oo leh gaalo iyo muslinba kuligoodii oo qiray hormarka dowladda Soomaaliya (Faalo)
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Cabdinaasir Jeekey (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyay Shirka Qaran ee ka hortagga Cudurka COVID 19.

Kulankaan oo ahaa qaab online ee Internet-ka ayaa waxaa ka qeyb galay Ganacsatada ku nool Gobolkan Banaadir,waxaana diirada lagu saarayay sidii looga hortegi lahaa in Ganacsatada aysan Shacabka maciishada ugu qaaliyeyn maadaama Dowladda ay Canshuur dhaaf u sameysay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga digay Ganacsatada inay maciishadda ku qaaliyeeyaan shacabka, kadib markii uu dhaqan galay canshuur dhaafka,waxaana Ganacsatada ay aqbaleyn baaqa Ra’iisul Wasaaraha.

Talaadadii la soo dhaafay ayaa Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqdey in Canshuur dhaaf loo sameeyey qaar ka mid ah cunnada qutul daruuriga ee dalka soo gasha,kadib markii ay soo korortay cabsida laga qabo inay yaraadaan Cuntooyinka dalka soo gala sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: