HomeUncategorized

RW Cumar oo Si heer ah Maanta loogu soo Dhaweeyay Garowe

Jimco, Abriil 10, 2015 (Daljir) —Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-4-2015 si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo Madaxda Dawladda Puntland ee Garoowe.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Dhagayso Barnaamijka Ciyaarahaha Radio Daljir wariye Zucdi Cawiif
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.

Jimco, Abriil 10, 2015 (Daljir) —Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-4-2015 si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo Madaxda Dawladda Puntland ee Garoowe.

Soo dhaweynta raysal-wasaaraha dalka Soomaliya waxaa ka qeyb qaatey madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay , Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ,Wasiiro, Xildhibaano ,isimo, Haween , Dhalinyaro iyo Dadweyne aad u badnaa ku waasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta raysal-wasaaraha iyo wefdiga uu hogaaminayey.

Cutubyo katirsan ciidanka dawladda Puntland iyo kooxda baambeyda Puntland ayaa waxa ay salaan Sharaf wadajir ah siiyeen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Soo dhaweyn ka dib ayaa raysal-wasaaraha iyo wefdigaba loo soo gudbiyey aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxana halkaasi Shir jaraa\’id kuwada qabtey Madaxweyne Gaas iyo raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid.

\’\’Waxaa Sharaf weyn noo ah in Puntland gaar ahaan Caasimadda Garoowe nagu soo booqdo Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo weftiga uu hogaaminayo oo ka kooban xukuumadda iyo baarlamaanka \’\’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

\’\’Raysal Wasaare Soo dhawoow Garoowe waa dalkaagi,waa dadkaagi way ku soo dhaweynayaan aad beyna shacabku kuugu faraxsan yahiin inaad noo timaado \’\’Ayuu yiri Madaxaweyne Gaas .

Madaxweyne Gaas ayaa qeexay in Soomaaliya maanta ay marayso meel aad u adag una baahan wada tashi in laga sameeyo sidii meeshaas looga qaadi lahaa, loona geyn lahaa halka ay istaahisho Soomaaliya oo uu burbur lixaadleh soo gaaray xiligii dagaaladi sokeeye.

\’\’ Wefdigu muddo dhowr cisho ah ayey nala joogi doonaa, waxbadan oo ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaanu kawada hadli doonaa, cumarna waa markii ugu horaysay oo uu Garoowe yimaado isaga oo raysal-wasaare ah \’\’ Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa madaxweynaha iyo shacabka reer Puntland uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay maanta ugu sameeyen magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

\’\’ Waan bogaadinayaa runtii sida Puntland ay ugu dadaashay xasiloonideeda, amaanka iyo nabad-gelyada kajirta, halkaana waxaanu unimi inaanu wadatashi samayno \’\’ ayuu yiri raysal-wasaaraha dalka soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: