Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay inay diyaar u yihiin markasta wadahadalka Midowga Musharixiinta (Daawo)

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay inay diyaar u yihiin markasta wadahadalka Midowga Musharixiinta (Daawo)

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay in dib loo bilaabo wadahadalada Midowga Musharaxiintaisla markaana dhowaan la qabanayo

Warar dheeraad ah qaraxyo saakay kadhacay Bosaso
“Qofkasta oo naga mid ah waa inuu fuliyo go’aamada maaraynta qiima beelka Shilling” (daawo)
Fanaankii caanka ahaa Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo London ku geeriyooday

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay in dib loo bilaabo wadahadalada Midowga Musharaxiintaisla markaana dhowaan la qabanayo kulankii loogaga hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay in sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble uu diyaar u yahay si wadidda wadahadallada Musharaxiinta Madaxweynaha.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yiri afhayeenka dowlada Macalimuu.
Sidoo kale Afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay inuu rajeynayo in sida ugu dhaqsiyaha badan u rajeynayo inuu shirka DFS iyo Dowlad Goboleedydada in lagu qabto Muqdisho, si loo dhammeystiro heshiiskii 17 September.

Waxaa markii saddexaad baaqday kulan uu dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay isugu yimaadaan Muqdisho,kadib markii ay diideen in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ka soo qeybgalaan kulankaas.

Hoos kaga bogo warbixin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: