Ra’iisul Wasaare Rooble oo caawa shir guddoomiyay shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo caawa shir guddoomiyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka. Kulan

Caawa & Daljir iyo Axmed Sheekh Maxamed Tallman, Daljir Bossaso (dhegayso)
17kii Xildhibaan ee Dhulbahante Golaha SSC-Khaatumo bay ku jiraan ee yaan wakhti la isaga lumin
Maamulka ASWJ ee DG Gobolada Dhexe (DGGD: War Saxaafadeed Dagaalka XERAALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.
Kulanka oo diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: