Ra’iisul Wasaare Rooble: “Madaxda maamul goboleedyada waxaan  uga digayaa boobka doorashada”

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Madaxda maamul goboleedyada waxaan uga digayaa boobka doorashada”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray shacabka Kuweyt
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Garoowe: Golaha dhexe ee xisbiga Shaqaalaha ayaa maanta xilka ka qaadey Gudoomiyihii xisbiga

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Kulanka ayaa hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka, isagoo ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay siyaasadda ku milmaan, islamarkaana ay u shaqeeyaan Madaxda maamul goboleedyada.

Waxaa uu xusay in cidba lagula xisaabtami doono Masuuliyad loo xil saaray ee ku aadan hirgalinta doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta ayaa gabi ahaanba qaadacay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay sheegeen in ay ku bilaabatay hab boob ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: