Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Shirka Caalamiga Ah Ee Waxbarashada Sare

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Shirka Caalamiga Ah Ee Waxbarashada Sare

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee wax

RW khayre oo ka hadlay dilka Xildhibaan Boqore
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil (Dhegayso)
DEKADDA GARACAD | RIYADII RUMOWDAY!! (Daawo)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.

Shirkaan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada waxbarashada iyo qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxaana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarashada sare.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed qaban-qaabada kulankaan muhiimka ah, waxa uuna ka qayb galayaasha kula dardaarmay in ay maskaxda shiilaan oo sedaxda maalin ee shirkani socanayo ay soo saaraan natiijo kaabaysa horumarinta waxbarashada sare ee dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa shir-gudoomiyay kulankii labaad oo looga hadlayo qorshaha horumarinta hawlaha dekadda Muqdisho kaas oo daba socday go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: