Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Afur u Sameeyay  Golaha Abwaannada Soomaaliyeed

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Afur u Sameeyay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa caawa afur u sameeyay golaha abwaannadd

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in aysan dagaal la geli doonin Soomaaliya
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa caawa afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.

Kulanka afurka ah ee Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay abwaannada ayaa lagu lafa guray kaalinta abwaannadu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, horumarinta bulshada iyo dhismaha dawladnimada.

Afurka uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada maaliyada iyo warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dastuurka.

Guddoomiyaha ku-xigeenka Golaha abwaannada Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Maxamed Weheliye, ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga mahad celiyay afurka uu u sameeyay golaha, waxa uuna ka sheekeeyay dadaalka abwaannadu ay soo geliyeen dhismaha dawladnimada iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka iyo wasiirka maaliyadda ayaa labaduba ka hadlay kulanka afurka ah uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha abwaannada Soomaaliyeed, waxa ayna ka sheekeeyeen kaalinta dowrka abwaannada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dawladnimada iyo wacyi gelinta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in abwaannadu ay kaalin muhiim uga jiraan bulshada, hal abuur, dhaqan suuban, suugaan iyo ruwaayado ay ku cabbiraan dareenka shacabka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: