Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho ku tagaya dalka Kenya

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho ku tagaya dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa booqan doona Kenya, maalinta berri oo arbaco ah, waana booqasho rasmi ah oo qaadan doonta labo cisho.

Warka Fiidnimo iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xukuumadda Soomaaliya oo 118 Maxbuus Kala Wareegaysa India
CAAWA & DALJIR | MAXAMED IBARAAHIM GEELLE | DALJIR GAROWE

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa booqan doona Kenya, maalinta berri oo arbaco ah, waana booqasho rasmi ah oo qaadan doonta labo cisho.

Madaxtooyada Kenya ayaa shaacisay in Ra’iisul Wasaare Abiy uu imaan doono magaalada Moyale ee gobolka Marsabit oo ka mid ah gobolada xuduuda la leh Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyarra ayaa ku kulmi doona magaalada Mooyaale, waxaana labada hoggaamiyo ay xariga ka jari doonaan bar koontarool ku taala xuduuda labada dal.

Sidoo kale waxay kaloo booqan doonaan gobolka Lamu, iyagoo kormeeri doona mashruuca dhismaha Dekedda cusub ee Lamu, waxaana mashruucan adeegga dekedda cusub uu isku xiri doonaa Kenya, Suudaanta Koofureed iyo Itoobiya.

Booqashada Abiy ee Kenya ayaa ku soo beegmaysa xilli ay xukuumaddiisu soo gabagabeysay howlgal amni oo ka dhan ah Jabhadda TPLF, iyadoo dowladdu guulo ka sheegatay dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya ee Gobolka Tigray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: