Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo gaaray Jabuuti (Sawiro)

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo gaaray Jabuuti (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa goor dhow gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaa garoonka diyaaradaha Ambouli

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Shacabka degmadda Badhan oo ka hadlay shirka jabuuti ee DFS & Somaliland dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa goor dhow gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaa garoonka diyaaradaha Ambouli ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ka qeyb galaya shirka maanta ka furmaya dalka Jabuuti ee u dhaxeeya Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Jabuuti.

Shirkan oo heerkiisu sarreeyo ayaa noqonaya kii u horreeyay ee wafuud culus oo ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ka qeyb galaan, waxaana goobjoog ka ah Madaxda dalalka deriska ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ahaa maskaxda ka dambeysay kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi ku dhex maray magaalada Addis Ababa horaantii bishii Febraayo.

Qorshaha ugu weyn ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wado ayaa ah mashruuca is dhex galka Geeska Afrika oo uu quudareynayo in dhammaan bulshada ku nool Gobolka Geeska Afrika inay midoobaan, is dhex gal dhaqan dhaqaale ay sameeyaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: