Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Somaaliya oo Shir muhim ah kaga qayb galay Dalka India

HomeWararka

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Somaaliya oo Shir muhim ah kaga qayb galay Dalka India

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka India,halkaasi oo ay u

Xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho & Saamaynta Shacabka | Warbixin
Wacaal Darey ah: Puntland oo xirtay xafiiskii Guddiga Doorashooyinka DFS ee Garoowe
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka India,halkaasi oo ay uga qeybgalayaan shir caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga Khayraadka Tamarta dabiiciga ah.

Wafdigga ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka waxaa ka mid ah xubno ka kala tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arimaha dibadda.

Wafddiga Ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa Magaalada New Delhi ee Dalkaasi India uga qayb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo ka faa’iidaysiga Tamarta cadceeda, kaa soo ay wada jir u soo agaasimeen dalalka Hindiya iyo France.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo sii maray magaalaad Nairobi ee Dalka kenya ayaa halkaasi kula kulmay Danjiraha India ee Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: