Rabshadaha Itoobiya oo sii kordhaya iyo dibad baxayaasha qaar oo xabsiga ladhigay

HomeWararka

Rabshadaha Itoobiya oo sii kordhaya iyo dibad baxayaasha qaar oo xabsiga ladhigay

Ciidamada ammaanka ee Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii dhowaan ka dhacay

Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan ,Daljir Garowe (dhegayso)
Waa kuma safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington?
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa 20 tirsan argagixisada Alshabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.

Ciidamada ammaanka ee Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Gobolka Oromiya.

Belene Seyoum Woldeyes, oo u hadashay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay sii kordhi karto tirada haatan loo hayo rabshada Dalkaasi ka dhacay welina ay socdaan howl-gallada looga hor tagayo qaswadayaasha.

Rabshada uu Dhiig ku daatay ayaa dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Dalka Itoobiya oo ay ku jirto Caasimadda Addis ababa, markii Ninka u ololeeya qaddiyadda Oromada ee lagu Magacaabo, Jawar Mohammed uu ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah Dowladda.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: