R/Wasaare ku xigeenka XFS oo shir uga qayb galaya Magaalada Kambaala

HomeWararka

R/Wasaare ku xigeenka XFS oo shir uga qayb galaya Magaalada Kambaala

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xuluumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir-madaxeedka Ururka d

Bilicda Iyo Beeraha Magaalada Dhagaxle ee Dagmada Gursum Ee Gobolka Faafan DDS (Sawiro)
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Maxamed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xuluumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir-madaxeedka Ururka dalalka ku bahoobay G — 77 iyo China.

Shir-madaxeedka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dalalka ku bahoobay ururkan G — 77 ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarka waara, isbeddelka cimilada iyo ciribtirka faqriga.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan ku bahoobay dalladan, isagoo xusay in Soomaaliya ay samaysay horumarro waawayn ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo gobonnimada dalalka ku midaysan dalladan, isagoo xusay in xad-gudubka Itoobiya kusoo fara-gelisay arrimaha Soomaaliya uu yahay mid halis ku ah ammaanka gobolka, isla markaana aan la aqbali karin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: