HomeUncategorized

R.Wasaare Cumar oo horgeeyey Baarlamaanka Qorshaha Guud ee Hannaanka Doorashada

Muqdisho, April 30, 2016-------Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta u gudbiyey Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Hannaanka guud ee Geeddi Socodka Doorashada 2016.

Burcad-badeed Somali ah oo $12 Million oo dollar ku sii daayey markab laga leeyahay dalka Kuwait.
Wasaarada Waxbarashada puntland oo soo bandhigtay gabdho loo helay deeq waxbarasho jaamacadeed.
Taliyaha ciidanka bilayska ee saldhiga Mijir oo ka xog warramay ilma yar oo la sheegay in ay bahallo cuneen, medykiisa laga helay duleedka Bossaso.
Muqdisho, April 30, 2016——-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta u gudbiyey Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Hannaanka guud ee Geeddi Socodka Doorashada 2016.
 
Ra’iisul Wasaare Cumar oo Khudbad ka jeediyey kulanka Baarlamaanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Hannaankan doorasho ee ay Xukuumaddu soo gudbisay, waxaana uu sheegay in hanaankani wadatashi guud ay ka sameeyeen Dawladda Soomaaliya iyo Maamullada dalka, isagoo ka codsaday Golaha Shacabka in ay ansixiyaan Hannaankan si ay u qabsoonto doorashadu waqtigii loogu talagalay.
 
“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka, iyaga oo eegaya duruufaha ka jira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan Hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ku saleysnaa go’an wadar ogol ah oo ay qaateen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah”.ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
 
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday golaha shacabka inay soo aqriyaan qorshahan, maalinta Isniinta ah ee soo socotana la sii ambaqaadi doono go’aanka ka gaarista qorshaha guud ee Hannaanka Doorasho.
 
–DHAMMAAD–
 
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
Twitter: @SomaliPM

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: