Qormo: Qaaradda Africa iyo Somaaliya oo Heshay Ra’iisul Wasaare Da’yar

HomeWararka

Qormo: Qaaradda Africa iyo Somaaliya oo Heshay Ra’iisul Wasaare Da’yar

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre waa nin dhalin yaro ah aqoon yahan ah,dhal magaalo ah leh khibrad maamul iyo garashada nolasha dalka gudi hiisa oo uu

Wafdi kasocda Aqalka sarre oo Maanta dhuusomareeb gaaray
Xildhibaano ku baaqay in dalka laga saaro ciidanka Kenya (daawo)
Jarmalka oo Maxkamadaynaya Muwaadin Soomaali ah

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre waa nin dhalin yaro ah aqoon yahan ah,dhal magaalo ah leh khibrad maamul iyo garashada nolasha dalka gudi hiisa oo uu ku koray kuna noolaa iyo mid dalka dibadiisaba ah.Waa nin ay ku wayn tahay jacaylka dalkiisa iyo diintiisa iyo dadkiisaba.Waa nin aan cidna uuga gaban uugana haybaysan masalxada diinta iyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Aduun waynaha oo dhan waa nin ay arkaan kartidiisa iyo shaqadiisa hufan ee u taagan yahay maalin iyo habeenba.Waa nin garanaya la shaqaynta madaxdiisa ama ha ahaato kuwa isaga xukunka dalka ee sare wada hayaan ama ha ahaato kuwa uu isagu xukumo intaba.Waanin xurmeeya oo qadariya madaxwaynihiisa sida dunida dahwladaha soo kobcaysa iyo dawladaha hore umaray ay u dhaqmaan iyadoo u jeedadu tahay u shaqaynta danta dalka iyo dadka iyagoo garbaha is haysta madaxwaynaha iyo raysalwasaaruhu.

Taanoo aan abid soomarin dalkeena soomaaliya maamul wanaagaan dawliga ah iyo wada shaqayntaan madaxda sare ee dalkeena Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre,iyadoo gaar ahaan sodankii sano ee u danbaysay la wada ogyahay,khilaaf iyo is qabqabsi joogta ah oo u dhaxaysay wada shaqaynta Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha taasoo ragaadisay in dalkeenu yeesho dawlad rasmi ah oo shaqaysa,hayeeshee hada ay tubta toosan iyo wada shaqaynta ay kusoo dabaaleen labadan wadani ee u kacay soomaaliya Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre.

Caalamku waxa uu u balan qaaday Raysal wasaare xasan in uu siinayo taageero ciidan oo xoogleh iyo dhaqaale oo dalka soomaaliya la nabadaynayo si buuxda.Waxaana uugu horeeya dawlada Turkiga ee aan walaalaha nahay oo dib u soo celisay bilawdayna dhisida xoogii dalka soo maaliyeed iyo hubkii u dan beeyay oo deeq ah.Dawalada Turkigu waxay dhisay saa ciidanka afkrika uugu xooga badan cadawga soomaaliyana aad buu uga naxay guushaas iyo in la helay soomaaliya oo leh awood sare.

Waxani iskama iman ee waxaa horseed u ah kaalin wayna kaga jira Raysal wasaaraheena geesiga ah.waa nin dhalin yaro ah laakiin aragti fog iyo caqli fiican illaahay siiyay.Gudaha dalka khaasatan Mogdisho sida uu uga shaqeeyay taariikhda raysal wasaaraya yaashii ina soomaray nin sidaa u shaqeeyay iyo xataa wax u dhaw ma jiro waa wada ogeeyn siday mogdisho ahayd caqliga saliimka ah ayaa ina siinaya in aynaan xaqiiq jirta inkirin nin walbaana siino xaqiisa iyo wax qabadkiisa.Cidii xaasidaysa ee xaqiraysa wax qabadka khayre waa mid iyadu khasaartay waayo ma qarin karaan shamso soo daahirtay.Mudane khayre Alle ha dhawree dalka gudihiisa shaqada uu ka qabtay soomaali waa ogsoontahay kuna garab taagan yihiin dadaalkiisaas cad inagoo ogsoon dhibka kajiray guud ahaan dalkeena gaar ahaan caasimadeena Mogdisho sida uu yahay iyo waxa ay ahayd.

Raysalwasaaraheena KHayre marwalba oo uu lahadlayo wadamada shisheeye,waxaad arkaysaa in uu sawir fiican,kabixinayo dalkeena Soomaaliya.Inagoo wada ogsoon hadaynu nahay Soomaaliya xaalada dalkeenu ku jiro nus qarni ayaa hadana uu tusinayaa,caalamka in Dalkeenu yahay dal qani ah,leh baadrool iyo saliida cayriin,leh macdan kala duwan,leh laba badood,ah afaafka ama albaabka laga soo galo afrika,ahna marinka maraakiibta caalamku isaga gooshto dhanka bada Afrika iyo Aasiya iyo Yurub,ustaraaliya iyo amerika intaba.

Raysal wasaaraheena khayre khudbadii udanbeeysay ee uu ka jeediyay booqashadii shaqo ee uuku joogay dalka Belgium

Magaalada Brussels 2-4 maaajo 2018. waxa uu aragti sax ku qotanta ka bixiyay dalkeena iyo xaaladiisa maanta,si diblamaasiyad,garasho iyo hufnaan leh ayuu ukala dhig dhigay mid mid xaladeena iyo rabitaankeena. waxa uu soo jiitay indhihii iyo maskaxdii dadkii fadhiyay shirka iyo intii dunida ka daawaynaysay oo dhan. waxa uu u hadlay si maan gal ah si loogu garaabay,si geesinimo leh,si wadaniyad iyo dal jacel leh,waxkasta oo uu halkaa la tagayna sideedaa loo aqbalay boqolkiiba boqol.

Raysal wasaare khayre waxa uu dunida tusay in dalkeenu yahay,midka maanta dawlad walbaa doonayso in ay wax ka macaashto waayo waa dal barwaaqo ah isla markaana istaraajiyo ah.waxa uu iska diiday dhaqankii xumaa ee lagu yaqiin dalkeena madaxdooda waayadan danboo dhan,oo ahaa tuugsi iyo in lagu yiraahdo waa idin caawinaynaa! waxa uu u badalay dhulkii iyo khayraadkii dalkayguu ceegaagaa,waadna u baahantahay markaa aan kala faa iidaysano si aan u halino bahidayda iyo taada. Aduunkana wax wada qabsi ayaan diyaar u nahay maha uun in anaga nala caawinaayo. waxa kale oo uu cadeeyay in dalkeena wixii siyaasad ah iyo mustaqbalka caruurteena soomaaliyeed aanu garanayno anagoo ah soomaali,maha in shisheeye taa noo tilmaamo.waxa danta noo ah cidii nagu garab galaysa waa soo dhawaynaynaa.

Waxaad arkaysaan in Dakadeenii Barbara iyo Dakadeenii Boosaaso madaxdii goboladaas ka talinaysay iyo maamuladaasi shisheeye dhaqaalo raadis ah oo isagu baahan faa iido doona ah,inta u yimid ka dhaadhiciyay waa idin caawinaynaa!! markii uu arkay garashadooda gaabana inta mid walba xoogaa shilimaan ah siiyay,kasaxeexday wuxuu rabay.Nimankan oo shacabkii dhulka iska lahaa aan waxba kala tashan kuna qanacsan sandareeradii la siiyay shaqsiyan jeebkooda ayaa marlabaad shacabkii deeganadaas xii bahdilaya oo ku leh EMARAAT iyo shirkada DP WORL way ina caawinayaan!! hadaba dadka soomaalida ahi inta iska daayaan caadifada iyo qabyaalada haka fakaraan dadka dalka difaacaya oo dhisaya ilaalinaya khayraadkiisa iyo kuwa iibsanaya ee dhuuni raaca ah ee garashada gaaban islamarkaana u adeegaya uun danaha shisheeye.

Shisheeye kalkaalku waxa uu doonayaa in dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah ukala qaybiyo qabiil qabiil jilib jilib iyo laf laf,waxay doonayaan in ay shisheeye uun raali galiyaan oo u khaadimaan sidaa ka muuqataba,waxay diidayaan sinaan soomaaliyeed,waxay diidayaan dawladnimo soomaaliyeed,waxay diidayaan soomaaliya oo leh sharaf diin dad iyo dal.

Waxaa sharaf leh iyo dadnimo iyo taariikh aan waligeed la ilaawi karayn wadani Raysal wasaare Khayre oo gaarsiiyay dalkeena heer caalamku qadariyo oo laga haybaysto durba qofka soomaaliyeed dal iyo dibadba.KHAYRE DALKEENA WAXA UU KA DHIGAYAA KAN HOGAAMIYA AFRIKA IYO CARABA.

Dadka shirka fadhiya oo kakala socda caalamka oo qiiro xoog leh ka muujiyay dareenka iyo wadaniyada Raysal wasaare Khayre ka muuqata taasoo laga dheeh day, jacelka uu u qabo dadkiisa iyo dalkiisa SOOMAALIYA.Waxaa intaa dheer isku kalsoonida buuxda ee uu qabo.

W/Q Yusuf Cumar

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: