Qoorqoor oo ku dhawaaqay inuu fashilmay dadaaladii u waday iyo eedda oo uu saaray Puntland iyo Jubbaland

HomeWararka

Qoorqoor oo ku dhawaaqay inuu fashilmay dadaaladii u waday iyo eedda oo uu saaray Puntland iyo Jubbaland

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay inuu fashilmay dadaalkii uu ka dhex waday Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo kuwa Fe

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP. (Daawo)
Shacabka Boosaaso iyo Arragtida Khilaafka Imaraadka iyo Somaaliya (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay inuu fashilmay dadaalkii uu ka dhex waday Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo kuwa Federaalka ah, isaga oo eedda u jaleeciyay Puntland iyo Jubbaland oo uu sheegay in aysan ka soo jawaabin arrimo laga sugayay, inkastoo uusan sheegin arrinta waxa ay aheyd.

“Waa muhim in la helo macluumaad howshii socotay baryahan, sidaad la socotaan waxaa jiray dadaalo todobaadyadii la soo dhaafay socday oo aan ku tagay magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Muqdisho, Si la isugu soo dhaweeyo aragtiyada kala duwan ee laga qabo sidii doorashooyinka dalka horay loogu sii wadi lahaa, aniga oo taas ka duulay waxaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ka codsaday in muddo gaaban dib u dhigaan jadwalka doorashooyinka si fursad loo siiyo xalinta tabashooyinka ay qabaan Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta kale”ayuu yiri

Madaxweyne Qoorqoor oo sii hadlayay aya ayiri “Waxaa wada hadalo la yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaan uga mahadcelinayaa iney iga aqbaleen inaan kawada shaqeyno sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay ee Doorashooyinka ee ku qabsoomi lahaa waqtigeeda. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Denni oo runtii ila qaadanay xal u helista arrimaha lagu kala duwan yahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: