HomeUncategorized

Qolyaha garabka bidix ee dalka Giriiga oo doonaya dowlad wadaag ah iyo muran ka taagan qorshaah gunti-giijiska.

athens , May 08 -Hogaamiyaha xisbiga garabka bidix ee fog dalka Giriiga ayaa isku dayaya in uu soo dhiso dowlad wadaag ah, kaddib markii axsaabta xukuumaddii wadaaga ahayd ee dalkaasi ee taageeraysay qorshaha gunti-giijiska ee caalamiga ah ayaa ku guuldarraystay in ay sameeyaan xukuumad wadaag ah.

Warbaahinta CNN oo Raali –Galin ka baxisay war ay Kenya ka baahiyeen
M/Weyne Shariif oo sheegey in dalka ay ku soo duuleen Ajaaniib dalbadeyna Ciidammo nabad ilaalin ah. [Akhris …]
Madaxweyne Putin oo ganaaxey saraakiil lagu eedeeyey daroogo.

athens , May 08 -Hogaamiyaha xisbiga garabka bidix ee fog dalka Giriiga ayaa isku dayaya in uu soo dhiso dowlad wadaag ah, kaddib markii axsaabta xukuumaddii wadaaga ahayd ee dalkaasi ee taageeraysay qorshaha gunti-giijiska ee caalamiga ah ayaa ku guuldarraystay in ay sameeyaan xukuumad wadaag ah.

Hogaamiyahani qolyaha bidixda fog ee Alexis Tsipras ayaa isagu doonayo in uu soo dhiso xukuumad wadaag ah oo ka hor jeeda qorshaha gunti-giijsika ,laakiin dadka wax taxliiliya ayaa sheegaya in iskudaygiisani aanu guulaysan doonin madaama aanu haysan tiradii loo baahnaa.

Cod-bixiyayaasha dalalka Greece, France iyo Talyaaniga ayaa si weyn ugu codeeyey asbuucan murashaxiinta ka horjeeda qorshaah gunti-giijiska , inkastoo digniin ay ka immanayso wadamada aagga Eurozone, gaar hogaamiyaha dalka Germany haweeneyda Angela Merkel ayaa sheegtay in dhamaan heshiishyadii qorshayaasha gunti-giijiska aan laga wada hadlikarin.

Natiijadii codbixintii baarlamanka Giriiga

99.9% codadka la dhiibtay

Magaca xisbiga : Inta uu xisbigu helay Kuraasta

New Democracy 18.85%
108
Syriza 16.78% 52
Pasok 13.18% 41
Murashaxiinta xorta ah 10.6% 33
KKE (shuuciga ) 8.48% 26
Golden Dawn 6.97% 21
Democratic Left 6.1% 19
Ka qaybgalka doorashadu waxa uu ahaa 65.09%

Source: wasaaradda arrimaha gudaha ee Giriiga

Labada xisbi ee maamulayey dalkaasi Giriiga ee taageersan qorshaha gunti-giijiska ayaa doorashadii baarlamanka ee dalkaasi ee axaddii ku dhumiyey aqlabiyadii ay ku haysteen baarlamanka dalkaasi.

Xisbiga bidix-dhexe ee Pasok iyo xisbiga kale ee midig-dhexe ee New Democracy ayaa tan iyo bishii November ee sanadkii hore ku jiray xukuumad wadaag ah.

Axsaabta siyaasadda ee Pasok iyo New Democracy ee dalkaasi Giriiga ayaa si weyn uga muuqday siyaasadda dalkaasi Giriiga ee wixii ka dameeyey todobaatanaadkii ,laakiin axsaabta kale ee siyaasada ee yaryarka ah ayaa immika u muuqda kuwo fursadaha jira ka faa?iidaysanaya oo soo baxay.

Abdirashid Musse
Daljir Radio
Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: