Qodobadii Ugu Muhiimsanaa ee Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararka

Qodobadii Ugu Muhiimsanaa ee Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya (dhegayso)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane

XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO 11-JUNE-2022
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo dhagax dhigay Xaafad Cusub oo laga dhisayo Magaalada kismaayo (sawiro)
MAXAY U XIRANTAHAY XARUNTII CAAFIMAADKA EE DEGMADA XUMBAYS? (daawo)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.

DHEGAYSO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: