Qarax kismaayo ka dhacay & Jubbaland oo ka hadashay

HomeWararka

Qarax kismaayo ka dhacay & Jubbaland oo ka hadashay

Qaraxa oo ahaa Bambaanada nooca Gacanta laga tuuro ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Isgoyska Somali Star ee magaalada Kismaayo waxaana ka dhashay khasaar

Warka Fiidnimo iyo Zubayr Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Puntland (Sawiro)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garoowe (dhegayso)

Qaraxa oo ahaa Bambaanada nooca Gacanta laga tuuro ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Isgoyska Somali Star ee magaalada Kismaayo waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa Bambaano lagu weeraray Ciidamo ka tirsan booliska Jubbaland oo ku sugan Isgoyska Somali Star, waxana qaraxa ku dhaawacmay 7 Ruux oo u badan Ganacsato.

Sidoo kale Goobjoogayaasha waxaa ay sheegeen in qaraxa uu dhaawac culus kasoo gaaray Haweeneey Caano ku iibineysay halka uu ka dhacay qaraxa, taas oo dhaawaceeda la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jubbaland Maxamed Cabdi Sheekh ( Xujaale) ayaa sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay la beegsadeen Ciidamada Booliska, waxana uu xaqiijiyay inay dad Shacab ah ku waxyeeloobeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: